Wasiiro iyo Guddoomiyaha gobolka Baay oo Diyaarad ku tagay Berdaale (Sawirro)

Masuuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta safar shaqo ku tagay degmada Berdaale ee gobolka Baay , waxa ayna safarkaasi ugu kuur galayeen xaaladaha kala duwan ee degmadaasi ku sugan tahay

Wasiirka Amniga Koonfur Maxamed Isaaq Cabdi ay wehliyaan Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Baay, Cabdifitaax Ibraahim Biyaano ayaa diyaarad khaas ah ku tagay degmada Berdaale ee katirsan gobolka Baay.

Masuuliyiintan ayaa markii tageen Berdaale la kulmay maamulka degmada , saraakiisha ciidamada ,odayaasha dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada, waxa ayna ka dhageesteen warbixino kala duwan.

Wasiiradda iyo guddoomiyaha gobolka Baay ayaa sidoo kale la kulmay saraakiisha ciidamada Daraawiishta ee ku sugan Berdaale, waxa ayna kala hadleen sidii ciidankaasi loo diiwaangelin lahaa una heli lahaayeen xaquuqdooda.

Guddoomiyaha Baay Cabdifitaax Biyaano iyo masuuliyiinta la socotay ayaa sidoo kale dhagax dhigay iskuul cusub oo ay dhisayaan bulshada deegaanka, waxaana guddoomiyaha gobolka Baay sheegay in gacan ku siinayaan bulshada dhismaha iskuulkaasi.

Degmada Bardaale ayaa kamid ah degmooyonka ay saameynta ku yeesheen abaaraha iyo colaadaha ka jira Koonfur Galbeed, waxaana dhawwaan la filayaa in degmada yeelato golle cusub oo deegaan ,kaddib markii golihii hore waqtigoodu dhammaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -